Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada oo shirar muhiim ah uga qaybgalay Nairobi iyo Dar es Salaam

Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow, ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee aqoon isweydaarsiga saxaafadda ee AJEN (African Journalism Educators Network) oo lagu qabtay Aga Khan University, Nairobi, 26-27 August 2024. Shirka AJEN oo ka dhacay Nairobi ayaa looga hadlay, “Sustainable Journalism Education: Rising through a tide of a media and planet in crisis.

Hormuudka ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirka 14 aad ee Ururka warbaahinta Bariga Afrika (EACA) (East African Communication Association (EACA)), oo lagu qabtay Jaamacadda  ee dalka Tanzania, intii u dhaxaysay 28ka ilaa 30ka August 2024, kulanka ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socda 25 jaamacadood oo Afrikaan iyo qaarado kale ah.

Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow, Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada oo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku matalayay shirka Isagoo halkaas ka waday xiriir iyo iskaashi cilmiyeed oo lala yeesho jaamacadaha kale ee ka qaybgalay shirarka. Meertadii 13aad ee shirka EACA waxaa lagu qabtay Jaamacadda Rwanada, Kigali, August 2023.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top